Qiimeyntii Burdhubo Primary School

Qiimeynta qarashka ku bixi kara 3 qol oo uu leeyahay Buurdhuubo Primary School oo ku yaala magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo

Qiimeyntaan waxaa lasoo diyaariyay June 14, 2007, waxaana soo diyaariyay wariye Axmed Cumar Saalixi/ Source: AOL

Taariikhdu markii ay aheyd June 3, 2007 waxaa magaalada Buurdhuubo oo ka tirsan Gobolka Gedo booqasho ku tegay wariye Axmed Cumar Saalixi. Wariyaha oo uu la socday nin fuundi ah oo kasoo raacay magaalada Baardheere ayaa waxuu soo qiimeeyay qarashka ku bixi kara 3 qol oo hoos dhagax ka ah, korna la saarayo Jiingad ama laamayeeri.

Haddaba, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa dayacatirka Iskuulkaas oo uu fuundiga kusoo qiimeeyay qiimaha ugu yar ee Iskuulkaas lagu dayac tiri karo.

Qiimeynta Iskuulkaas oo ku cad hoos ayaa waxaan ku soo gudbineynaa Shilling Somali ahaan iyo Dollar ahaan, waana sidaan hoose:-

Ugu horeyn, inta aanan qiimeynta idiin soo gudbin, waxaan dooneynaa in aan halkaan idinkugu soo gudbino qiimaha halkii Dollar uu ka joogay Shillin Somali ahaan gobolka Gedo markii qiimeyntaan lasoo sameeyay oo aheyd June 4, 2007.

Furaha qiimeynta 3 qol ee Iskuulka Buurdhuubo Primary School oo ku yaala magaalada Buurdhuubo:- 1.  $1 = 12,300 Shilling Somali.
2.  Qiimaha guud ee 3 qol = 55,490.000 Shilling Somali
3.  Dollar ahaan = $4,511

Faah-faahin qiimeynta 3 qol ee Iskuulka Buurdhuubo Primary School oo ku yaala magaalada Buurdhuubo waa:-

1- Dhismaha cusub ee iskuulka waxuu ka koobnaanayaa 3 qol oo baraako ah oo midiiba cabirkeedu uu yahay 7m * 5m, tirada laamatyeeriga qolkiiba la saarayo waa 32 xabo*120,0000 Shilling Somali waa 11,520,000/=.
2-  Noocyada alwaaxda baraakada waa Mezzo morale iyo Tavole oo dhan 72 xabo oo kiiba uu yahay 108,000 oo Shillin waxay u dhigantaa 7,776.000 Shilling Somali.
3-  Albaabka iyo daaqadaha waa 3 albaab iyo lix daaqadood * 650,000 Shilling Somali oo la mid ah qiimaha 1,950.000 Shilling Somali.
4-  Dhista iyo tiirarka ku filan 3 qol waa 12,000,000 oo Shilling Somali.
5-  Silig iyo musbaaaro waa 2,300.000 Shillin Somali.
6-  Shaqaale dhismo waa 4800,000 Shilling Somali.
7-  Kuraas 60 xabo oo ah nooca fomamka ayna ku fadhiisan karaan kiiba 3 ardey * 63000/=  waa 378,000 Shilling Somali.
8-Miisas 60 xabo * 95,000/So. Sh. waa 570,000/ So. Sh.
Total waa 55,494,000/ So. Sh. oo u dhiganta $4,511 oo dolor oo weli ayan ku jirin kharashka ku baxaya Baabuurka alaabta oo inta badan laga qaadayo Baardheere.

Axmed Cumar Saalixi, Bardhere, Somalia

Fiiro gaar ah: Ujeedada qiimeynta Iskuulkaan in aan Allgedo kusoo bandhigno ayaa ah codsi nooga yimid maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Burdhubo Primary Iskuul oo codsanaya in cidii awoodi karta in ay ka qeyb qaadato dayacatirka iyo dhismaha Iskuulkaas ay wax kala qabato.

comment closed


Copyright © 2010 eastado.org · All rights reserved · Powered by Eastado team